Mohamed Yassin Abdrahman

Tuesday, December 1, 2015

Qaad iyo Sigaar Laba Quus ka dhigey Rajadii Raganimo

Dunidan guudkeeda Waxaa ku nool umado kala duwan oo leh dhaqamo iyo diimo kala gadisan ,waxa umadahaa mideeya oo kow ka ah Bila aadamnimada waxa kale oo ay umadahaasi intooda maanka iyo aqoonta u saaxiibka ahi ka midaysan yihiin in wixii dhibaateynaya qofka caafimaadkiisa ,bulshada iyo dhamaanba wax kasta oo waxyeelo u keenaya xasiloonidooda ,nabadooda iyo raaxo ku noolaan shahoodu in uu yahay wax mamnuuc ah oo aaney ogaleyn in lagu dhex isticmaalo laguna dhex abuuro .
Sidaas oo ay tahay Dunidan maanta Muslim iyo gaaloba waxa la isla faafaqsan yahay in wax kasta oo Maandooriye ah isla markaana Caafimaadka qofka iyo ka bulshadaba waxyeelayaa uu dhexdooda ka yahay Mamnuuc aah la isticmaali karin.
Waxa lagu jiraa loolan lagu dabar jaro isla markaana laga saaro aduunka .
Dunidu maanta waxay soo saartey qawaaniin iyo amaro mamnuucaya in Sigaarka lagu cabo meelaha iyo goobaha dadweynuhu ku kulmaan ,sida suuqyadda ,Meheradaha ,Basaska dhexdooda iyo meelo kale oo tiro badan .
Inaga hadaba Somaliland maxaan kaga duwanahay dunida kale ,miyeynu ka caafimaad qaalisanahay ,iska dhaaf goobaha dunidu ka mamnuucday e inaga Sigaarka waxa lagu dhex cabaa Goobaha Caafimaadka ,Waxbarashada iyo Guryaheena .
Intaas uun kuma dhaafnee Sigaarku wuxuu leeyahay Xayeysiis faro badan oo aan ku koobneyn Boodhadhka Hargeysa laga taagey ee hada lagu baraarugay , wuxuu leeyahay Baabuur ku shaqlan sawirka iyo fariimaha Sigaarka ,waxa kale oo uu leeyahay Xayeysiis Garamaan ah ,Waxa uu leeyahay Waxyaabo ay ku macneeyeen Bakhtiyaanasiib oo hadii aad baakidh sigaara aad iibsato abaalmarin laguu raacinayo , .
Waxa isweydiin mudan mee damiirkii waxaa diidi lahaa , mee kii ka dhiidhiyi lahaa in lagu cabo goobaha waxbarashada ,caafimaadka iyo meheradaha cuntooyinka lagu sameeyo.
Sigaarku waa aafo waxyeeleysa Sambabada Binu ,Aadamka , isla markaana dhibaatooyinkiisa in badan daraasaad laga sameeyey .waxa la sheegaa in ay ku jiraan maadooyin badan oo caafimaadka qofka halis ku ah .
Isla markii ay ogaadeen aduunyadu in uu khatar leeyahay waxa la isku dayey in la joojiyo oo gabi ahaanba la mamnuuco cabida sigaarka .Si kastaba ha ahaatee taasi suuro gal ma noqonin ,laakiin waxa la isku dayey in baakidhka sigaarka lagaga qoro fariin sheegaysa in Sigaarku waxyeelo u gaysto Caafimaadka " Tubaakadu aad bay u waxyeelaysaa Caafimaadka " .
Fariintaa iyagoo arkaya oo akhriyi kara rag badan ,hadana uma joojiyaane Cudurka way qudh qudhiyaan ,.
Qaadka iyo Dhibaatooyinka uu inagu hayo hadii aan u soo noqdo , mala awaalkeyga hadii aan qiyaas is idhaa inta bulshadda Somaliland qaadka cunta waxaan odhan karaa 10 kii qof ba 6 kamida ayaa qaadka cuna .,sababtoo ah qoys kasta oo aan laga qayilin ama aanu qof kamid ahi qaad cunin way iska yar tahay.
waxa ugu weyn ee maanta Cidhiidhiga galiyey ,qoysas badan la burburaan waa qaad dartii ,dhibatooyinka ugu badan wadanka ka dhaca waxa geystaa waa qaadka , shilalka ugu badan ee daafaha iyo wadooyinka dalka ka dhaca inta badani waa shilal ka yimid qaad.
Iyadoo intaas oo dhami jirto hadana qaadku wuxuu leeyahay goobo iyo meherado u khaas ah oo lagu soo dajiyo dalkeena .
wuxuu leeyahay Magacyo kala duwan oo ay raga qaadka cunaa ku macneeyaan in ay ka turjumayaan Dhadhankiisa iyo kala duwanaanshaha tayodiisa.
Magacyada loola kala baxay waxa ka mida ee inta badan lagu xayeysiiyo , Jabis ,Fujis ,Dadar ,Fayaan , Madhab ,Malab leh , Kuruus ,Chanel Three oo lagu tilmaamo in ay cunaan raga shaqeeya maalintii , Magacyada waxa ugu hooseeya oo ugu liita Taajaradda oo inta badan ay cunaan kuwa jeebkoodu liito .
Inagoo og heerka burburka dhaqaale ee uu wadankeena ku hayo ,ka qoysnimo ee uu keeno , Deegaanka iyo dhibaatada uu gaadhsiiyo , Ragii sida uu xiniinyaha uga siibay hadana cid juuq iyo jabaq leh arkimeysid oo leh qaadka waxan ayaa u badal ah ,Xukuumadeena uma qorsheysna in mustaqbalka badelkiisa la helo ,.
Kol hadii aan cudud buuran oo caabida qaadku jirin ,waxaan ku talin lahaa bal in la dhimo xawaaraha ay baaburta qaadka qaadaa ku dhex marto magaaladda ,waxa kale oo muhiim ah in la mamnuucno Hoonka baabuurtaasi oo dad badan waxyeelo ku ah .
Waxa lagama maarmaan ah in lagu kordhiyo Cashuurta si loo uu kor ugu koco Sixirka Suuqa ee qaadku dabadeedna ay u yaraato Iibsigiisu.
"Hadii aad aragto Umad is ilowday , Ogow Way Daroogaysan tahaye "
Wabilaahi Tawfiiq

Sunday, November 29, 2015

Xaalada Dugsiyadda Hoose/Dhexe ee Dawladda (Qaybtii 2aad )


Marka laga yimaado Macalimiinta Dugsiyadda Hoose/dhexe iyo xaalkooda ,waxa u baahan gurmad iyo gar gaar deg dega Nadaafadda iyo bilicda Dugsiyadda.
Waxaa xusid mudan sanadkii 2010 kii markii ay Dawladda Kulmiye la wareegtey Hogaanka dalka waxay ku dhawaaqdey in gabi ahaanba waxbarashadda dugsiyadda hoose/dhexe bilaash tahay oo aan wax lacag ah laga qaadin arday kasta oo dhigta Dugsi dawladdu leedahay .
Isla markiiba waxa korodhey tiradda ardayda isdiwaan galisay sanadkaa ,waxaa ku dhiiraday in ay caruurtoodda dugsiyadda u diraan dadkii dan yarta ahaa ,waxa sidoo kale la dareemay oo aad loo soo dhaweeyey dhawaaqa ay xukuumadu ku sheegtey arinkaasi oo dhamaan goboladda iyo degmooyinka dalku ka kooban yahay aad looga soo dhaweeyey.
Balse si ay tahay ba mooye Arinkaasi mudo ayuu socday intii dambena caruurta lacag ka badan tii hore ayaa laga qaadaa wallow hadana dawladu wali leedahay waxbarashadda dugsiyadda hoose/dhexe waa bliaash .
Waxa is waydiin leh ma macalimiinta ayaa khiyaanoolayaal oo si hoose lacagta uga qaata ardeyda ,mise dee arinkan waa wax lala ogsoon yahay oo lala socdo dhaq dhaqaaqooda.
Hadii ba uu yahay arin lala ogsoon yahay oo laga war qaba maxaa loo waayey kharash dugsigga biyo loogu shubo ,maxaa sidoo kale loo waayey kharash lagu nadaafadiyo guud ahaan dugsiga gaar ahaana suuliyadda qudhmey ee aanu ardayna ku hagaagi Karin .
Waxaad is weydiisaa hadii ba laga qaado caruurta yar yar lacag tolow waa maxay dayaca ka muuqda dugsiyaddu ,Miyey habaaran yihiin mise dee kharashkaa gacan xaq daran ku dhaca .
Tusaale yar oo kooban intii aan waxbarashadda dugsiyadda hoose/dhexe laga dhigin bilaash waxaa laga qaadi jiray arday kasta 7000 sh.s/l , . Imika oo la yidhi waxbarashu gabi ahaanteed waa bilaa lacagna waxa laga qaadaa 10,000 sh, s/l ,. Bal hadaba dhinaceen u qaadnaa ?
Ciil maan qabeen hadii Dugsiga ay ka muuqato ,Ciil maan qabeen hadii biyo ay ardaydu cabto loogu shubayo ,Ciil maan qabeen hadii Nadaafadda iyo bilicda deegaanka dugsiga kor loogu qaadayo ,Ciil maan qabeen hadii isbadel loogu sameynayo tayadooda waxbarasho .
Umadd haboowdey miyaan idhaa , mayee aan idhaahdo waan hurudnaa Khuure dheerna waan ku jirnaa , laakiin aan hurdada ka kacno .
Ababka oo kaa xumaadaa wuxuu u daran yahay mustaqbalka iyo jiritaanka dalkeena.Caruurteena yar yar ee aan Naxariis iyo nolol fiican ku haysan dugsiyadda iyo goobaha waxbarashadda ee dalku waa mid qoomema inoo keenaysa hadhow hadeynaan ka fiirsan wakhtiga hada la joogo .
Curdinka yar yar ee lagu barbaariyey meel aan biyo uu cabo lahayn ,meel aan suuli uu ku xaajo guto lahayn ,goob aan ku haboonayn deegaanka waxbarasho oo aad mar marka qaar odhanayso malaha qaxootigaa sidan dhaama , hadhow wuxu noqon doonaa mid aan nixin mid axmaq ah oo hadii uu wadanka wax ka noqdo agtiisa daranyo iyo darxumo loogu dhinto .
Waxaa lagama maar maan ah in aynu Caruurteena iyo da,yarteena wax gashano si ay hadhow iyaguna wixii lagashadey uga soo jawaabaan .
La Soco Qaybta 3aad ………….

Wednesday, November 25, 2015

Plant Distribution Report- University of Hargiesa

file:///C:/Documents%20and%20Settings/Guest/My%20Documents/Downloads/Report%20File.pdf

Jaamacadda Culuumta Badda Berbara.

Baraarujin


          Aduunkan maanta heerka taagan waxa sabab u ah aqoonta iyo heerka Casriga ah ee Bini aadamku ku talaabsaday , hurumarkaasi ha ahaado mid laba afle ah ... oo khasaare iyo faaiidoba leh.
waxa sal u ah horumarka dhinaca waxbarashadda ,umad hadii la doonayo in ay heer gaadho ama ay ka dhaqaaqdo meesha cidhiidhiga ah ee ay kolkaa ku sugan tahay waxa laga dhisaa dhinaca garaadka iyo aqoonta mid Diini iyo mid maadiba kay doonto ha ahaatee.

Waxaynu ognahay in dalkeenu uu leeyahay goobo waxbarasho oo aad u badan marka loo eego inta aynu jirnay ,hase ahaatee aan tayo wanaagsanayn.

Jaamacadaha wadanka ku yaala waxa lagu qiyaasay ilaa iyo in ka badan 20 jaamacadood .

Waxa mar kasta beerkayga lula jaamacadaha aynu u baahi qabno ee hadana aynaan horumarinteeda xooga saarIn.

Aan u soo daadago ujeedada qoraalkeygan yare ,18/01/2015 Maalin Axada ,waxaan booqosho ku tagay magaalo xeebeedka Berbera
runtii  dhinacyo badan horumar way ku talaabsatay ,laakiin dhicana waxbarashadda jaamacaduhu waxay iila muuqdaan mid aan fiicnayn hase ahaatee waxay la qabaan qaybahaha kale ee wadanka .
Inkastoo la is dhaamo oo jaamacadaha wadanka kuyaala dadaal wadaan ,waxaan odhan karaa waxa jira gacmo  mar kasta hiil iyo hooba la garab taagan oo jecel in dhalinta soo baxaysaa noqdaan kuwa la qayra dhigooda dunida ku nool.

Berbera ,Magaalo fiican weeyaan ,waxaa ku yaala dhowr jaamacadood oo u badan kuwo gaar loo leeyahay ,waxa laakiin aad ii soo jiitay Jaamacadda Culuumta Bada ee Berbera .
Runtii Jaamacadaas waxa ka muuqata dayac aad u badan ,dhinac kasta ahaato eh .
Ilaahay kheyr ha siiyee Cabtain Abdirahman  { Madaxa Jaamacadda } wuxuu galiyey dadaal intii karaan kiisa ah ,sidaan ka warqabo Dawlada Hoose iyo Dekadda berberiba  way caawiyaan Jaamacadaas .
Balse Caawinadaas waxaan u arkaa in aanay dabooleyn baahida meesha taal.
waxa ila muuqata in ay u baahan tahay in talo la iskugu keeno dhamaan aqoonyahanka iyo daneeyayaasha dhalinyaradda . Sababtoo ah Culuumta badda wadankeenu aad ayuu ugu baahi qabaaa

"Intaynu Dhagax dhisidiisa ku foorarno waxa wanaagsan in aynu dadka Garaadkooda ku dadaalno "
Malahayga waxaan isleeyahay oo ah runtii sida uu garaadka xaqiiqda ahi ina siinayo hadii aynu xaga aqoonta iyo kobcinta garaadka jiilasha cusub ku dadaalno waxaynu gaadhi karnaa Horumar laxaad leh ,waxaynu yareyn karnaa waxyaabaha horumarkeena suul daaraya ee aan ina gaadhsiinayn halka aynu rabno.

Jaamacaduhu horumar ayey u baahan yihiin waayo ilmaha aan dhali doono iyo ka aad adigu hada haysaaba iyo ka aad dhali doontaaba waxay u baahan yihiin in aad uga tagto dhaxal ,si uu isaguna dhaxalka aad ka tagtay mid la mida ama kaba wanaagsan uga tago.

Marka waddo la dhisayo baaq baa la diraa ,cir iyo dhulba qaylo-dhaan ayaa loo diraa .
Waxaan leeyahay baaq dheer ayaan dirayaa dal joog iyo dibad joogba waan u dirayaa ,Jaamacadda Culuumta Badda ee Berbera waxay u baahan tahay  in la dhiso oo la kobciyo  oo lagu dadaalo in ay noqoto jaamacadaha wadankeena ugu Horumarsan .
Waxaan la ilaawi karin halka dhaqaalaheenu ku tiirsan yahay oo ah Xoolaha nool  waxa iyana sidaas oo kale wanaagsan in aynu ku dalaalno sidii aynu iskaga kaashan lahayn kobcinta iyo sare u qaadida jaamacadaha BixiyaCuluumta Bada ,Xanaanada Xoolaha ,Cilmiga Barashadda Deegaanka ,Cilmiga Beeraha ,Dhaqaalaha iyo Ganacsiga.

Ugu dambeyn fariin ayaan idiin wadaa Dhalin yarta reer Berbera ,idinka ayey idinku xidhan tahay sidii  aad U horumarin lahaydeen isla markaana ugu doodi lahaydeen Jaamacadda Culuumta Badda.
Idinka ayaa ah kuwa ugu nasiibka badan ee ay la soo jaartey  jaamacad cilmi noocaas ah bixinaynsa .
Haa nasiib ayaad leedihiin Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu idinku garab galo Cilmigaas { Ardayda Jaamacadda } .

Jaamacadaasi waxaan rajeynayaa in ay noqoto meelaha Berbera ugu xasuusta mudan In sha Allah ,Meelaha doodaha Cilmiga bada ay ka dhacaan ,meel umadda laga hago  iyo goob soo saarta Jiilkii barito .

Wabilaahi Tawfiiq

W/Q. Maxamed Yaasiin Cabdiraxmaan

Monday, November 23, 2015

Xaalada Dugsiyadda Hoose/Dhexe ee Dawladda –Hargeysa.

Xaalad kasta iyo dhinac kasta hadii aad u kuur gasho wadankeena waxaad la kulmaysaa waxyaabo aan naftaada qancinayn ,runtii sawirkan waxaan qaadey mar aan ku guda jiray U kuur gal Xaga Nadaafadda iyo Fayo dhowrka Dugsiyadda Hoose dhexe ee Caasimadda Hargaysa Wakhtigii aan Ardayga ahaa.
Ardey ka mida Dugsiyadda Hoose/dhexe ee Magaaladda Hargeysa
oo Biyo ka cabaya Barkad aan hareeraheedu Nadiif ahayn
Mid ka mida bilowga Hayaan ka waxbarashada ee saameyn way kugu yeesha markaad ardayga tahay waxaa ka mida markaad ku jirto Dugsiga hoose dhexe .
Bal waxaad ka waran taa hadii xaalka wakhtigaasi uu iskaba adkaado , hadii aad waydo wixii aad xaqa u lahayd adigoo la hubo in laguu heli karo balse lagaa hagraday .
Maanta Hargaysa dhalinta yar yar ee dugsiyadda Hoose/Dhexe kuma aha Qaxoonti ,balse way ka ka liitaan qaarkood.

Waxa laga joogaa mudo Sanad iyo badh ah wakhti aniga iyo Koox aan ka mid ahay aanu u kuur galnayn xaalada Dugsiyadda Hoose dhexe ee Magaaladda Hargaysa ,Dhinacyadda Nadaafadda iyo Fayo dhowrka hadana xaaladu wali waa sidii maalintii iyo si kasii daran .
Wakhtigaas waxyaabihii aan la kulmay waxa kamid ahaa ,Dugsiyo aan lahayn biyo , qaar Suuliyadoodu dumeen oo ardaydu Suuliga ay ka cabsanayso dabadeedna ardaydii ay Dugsiga dhexdiisa ku saxarootey ,waxa sidoo kale ka mid ahaa qaar leh hal suuli oo kaliya kaasina waxa isticmaala oo qudha Maamulaha Dugsiga iyo Macalimiinta ,Qaar kale Suuliyadooda Qufulo waaweyn ayaa ka laalaadey Sababtoo ah biyo la,aan Dugsiga ka jirta .
Markaad ka timaado dhinaca Fayo dhowrka Guud ,Waxaad Dugsiga hareerihiisa iyo gudihiisa ku arkeysaa dayac faro badan oo ka muuqda ,waxa kale oo indhahaagu qabanayaan Macalimiinta oo gidaarada ku wada tiirsan isla markaana gacanta ku haysta Midh sigaar ah oo il kaliya kaa soo eegaya ,Dugsiyadda qaar waxay indhahaygu qabanayeen Maamulayaasha oo sigaar qiijinaya isla markaana arday yar yar oo wali maskaxdoodu cusubtahayna ay dhinac taagan yihiin .
Sawirkaasi waad garanaysaa wuxuu muujinayo runtii ,arday yar oo loo soo diray in uu aqoon soo korodhsado oo la kulmay Deegaan aan Caafimaad qabin ,xaga nadaafada iyo maan-kaba
Waxaas oo dhan ka kaaley Gaydhka laga galo Dugsi kasta waxa ku yaala Boodh Cinwaanka Dugsiga Waxa Dabayaal oo xaga hoose ku qoran Dugsigan waxa ka qayb qaatey Haayadaha kala ah ,Unicef ,SIDA ,USIAD ,JAPAN ,Wasaaradda waxbarashada ,iyo Hay,addo kale oo aad u tiro badan .
Intaas maan diidine waxaan diiday oo aan ka dhiidhiyayaa Dayaca ka muuqda Dugsiyadda Dawladda ee Dalka ,Waxaan ka murugaysanahay Caruurta yar yar ee aan sida hagar la,aanta ah wax loo bareyn , hadhowna waxa lagu eedayn doonaa waa wax aan naf lahayn iyo way tahriibeen ,waxa lagu eedayn doonaa wax barashada kumuu fiicanayn ,waxaas oo dhan isagu dambi kuma laha e wuxuu waayey Deegaan ku Haboon Waxbarasho ,Wuxuu waayey Macalin aan balwad lahayn .

Had iyo goor waxa hortaagan macalin aan cidi ka dambayn oo qiiq iyo qufac balwadi keentay la hortaagan .Subaxa uu indhaha kala qaadaba wuxuu arkaa Macalinkiisa oo Sigaar Qiijinaya ,Macalinka oo qaadiro Hamaansi kala joojin la,a.
Wuxuu la kulmaa Deegaanka Dugsigiisa oo aan lahayn wax dhir ah oo indhaha soo jiidanaysa ,iskadaa in uu isagu cagaar arkee ,Maalin kaliya macalinkiisu kuma dhiiri galin in uu geed beero oo wax-qabadyo iyo layli uga dhigo in dugsiga nadaafadiisa maanta laga shaqeeyo.



W/Q. Mohamed Yassin Abdirahman 
Email. Yaasiin9111@gmail.com

Wednesday, November 18, 2015

Maanta Geed Beer Ardayoow Si aad Deegaankeena u badbaadiso.


Dhir ama geed aad beerto waxay waxtar weyn u tahay nolosha noole kasta oo kownkan ku nool ,waxay sidoo kale muhiim u tahay noloshaada ,waxay horumar u tahay dhaqaalaha iyo kobaca bulsho ,waxay sidoo kale badbaado u tahay oo ay ka ilaalisaa in ciidu burburto dabadeedna deegaanku baaba,o.
Muhiimada dhirta halkan kuma soo koobi karo .
iyadoo hadaba sidaasi jirto waxa jira faham daro ku jirta bulshadeena dhinaca deegaanka .
Sidaas daraadeed waxa fiican in bulshada lagu wacyi galiyo muhiimada iyo waxtarka ay leedahay dhirtu. hadaba si yoolkaa loo gaadho waxa Xooga la saaray da,yarta Jaamacaddaha oo ay ugu Horeyso Jaamacadda Hargaysa {University of Hargeisa }.
Waxa sidoo kale muhiim ah si loo daba galo in dhirtii badbaadey iyo in kale Mustaqbalka waxa aanu sameynay nidaam aanu kula socon karno arday kasta oo geed qaatey ,si aanu ula socono xaalada geedka ,sidoo kalena ugu caawino ardayga habka iyo nidaamka uu u beerayo una waraabinayo iyo nooca caro ee uu u baahan yahay ama ku haboon geedka uu qaatey .
Saaka hiirtii hore Kooxda aan ka mid ahay ee Gurmad-Deegaan FORUMwaxaanu bilownay dhir qaybin ,anaga oo fulinayna mashruuc ay wasaaradda Deegaanka iyo Sanduuqa Somaliland ee SDF , iska kaashadeen
Waxaan u mahad naqayaa ardayda Kuliyadda Deegaanka ee Sanadka Sadexaad oo Hawshaas si laxaad leh noogala qayb qaatey.Waxa kale oo aan u Mahad naqayaa Guud ahaan ardayda Kuliyadda College of Applied Science-UOH oo si mug leh uga qeyb qaatey Barnaamijka .
Ugu Dambayn waxaa mahad leh cid kasta oo gacan ka gaysatey hawshaas .
F/G: Wixii talo iyo tusaale ah fadlan noogu soo dir Cinwaanka .

Sepc.environment@gmail.com.
Mohamed Yassin Abdirahman