Baraarujin
Aduunkan maanta heerka taagan waxa sabab u ah aqoonta iyo heerka Casriga ah ee Bini aadamku ku talaabsaday , hurumarkaasi ha ahaado mid laba afle ah ... oo khasaare iyo faaiidoba leh.
waxa sal u ah horumarka dhinaca waxbarashadda ,umad hadii la doonayo in ay heer gaadho ama ay ka dhaqaaqdo meesha cidhiidhiga ah ee ay kolkaa ku sugan tahay waxa laga dhisaa dhinaca garaadka iyo aqoonta mid Diini iyo mid maadiba kay doonto ha ahaatee.
Waxaynu ognahay in dalkeenu uu leeyahay goobo waxbarasho oo aad u badan marka loo eego inta aynu jirnay ,hase ahaatee aan tayo wanaagsanayn.
Jaamacadaha wadanka ku yaala waxa lagu qiyaasay ilaa iyo in ka badan 20 jaamacadood .
Waxa mar kasta beerkayga lula jaamacadaha aynu u baahi qabno ee hadana aynaan horumarinteeda xooga saarIn.
Aan u soo daadago ujeedada qoraalkeygan yare ,18/01/2015 Maalin Axada ,waxaan booqosho ku tagay magaalo xeebeedka Berbera
runtii dhinacyo badan horumar way ku talaabsatay ,laakiin dhicana waxbarashadda jaamacaduhu waxay iila muuqdaan mid aan fiicnayn hase ahaatee waxay la qabaan qaybahaha kale ee wadanka .
Inkastoo la is dhaamo oo jaamacadaha wadanka kuyaala dadaal wadaan ,waxaan odhan karaa waxa jira gacmo mar kasta hiil iyo hooba la garab taagan oo jecel in dhalinta soo baxaysaa noqdaan kuwa la qayra dhigooda dunida ku nool.
Berbera ,Magaalo fiican weeyaan ,waxaa ku yaala dhowr jaamacadood oo u badan kuwo gaar loo leeyahay ,waxa laakiin aad ii soo jiitay Jaamacadda Culuumta Bada ee Berbera .
Runtii Jaamacadaas waxa ka muuqata dayac aad u badan ,dhinac kasta ahaato eh .
Ilaahay kheyr ha siiyee Cabtain Abdirahman { Madaxa Jaamacadda } wuxuu galiyey dadaal intii karaan kiisa ah ,sidaan ka warqabo Dawlada Hoose iyo Dekadda berberiba way caawiyaan Jaamacadaas .
Balse Caawinadaas waxaan u arkaa in aanay dabooleyn baahida meesha taal.
waxa ila muuqata in ay u baahan tahay in talo la iskugu keeno dhamaan aqoonyahanka iyo daneeyayaasha dhalinyaradda . Sababtoo ah Culuumta badda wadankeenu aad ayuu ugu baahi qabaaa
"Intaynu Dhagax dhisidiisa ku foorarno waxa wanaagsan in aynu dadka Garaadkooda ku dadaalno "
Malahayga waxaan isleeyahay oo ah runtii sida uu garaadka xaqiiqda ahi ina siinayo hadii aynu xaga aqoonta iyo kobcinta garaadka jiilasha cusub ku dadaalno waxaynu gaadhi karnaa Horumar laxaad leh ,waxaynu yareyn karnaa waxyaabaha horumarkeena suul daaraya ee aan ina gaadhsiinayn halka aynu rabno.
Jaamacaduhu horumar ayey u baahan yihiin waayo ilmaha aan dhali doono iyo ka aad adigu hada haysaaba iyo ka aad dhali doontaaba waxay u baahan yihiin in aad uga tagto dhaxal ,si uu isaguna dhaxalka aad ka tagtay mid la mida ama kaba wanaagsan uga tago.
Marka waddo la dhisayo baaq baa la diraa ,cir iyo dhulba qaylo-dhaan ayaa loo diraa .
Waxaan leeyahay baaq dheer ayaan dirayaa dal joog iyo dibad joogba waan u dirayaa ,Jaamacadda Culuumta Badda ee Berbera waxay u baahan tahay in la dhiso oo la kobciyo oo lagu dadaalo in ay noqoto jaamacadaha wadankeena ugu Horumarsan .
Waxaan la ilaawi karin halka dhaqaalaheenu ku tiirsan yahay oo ah Xoolaha nool waxa iyana sidaas oo kale wanaagsan in aynu ku dalaalno sidii aynu iskaga kaashan lahayn kobcinta iyo sare u qaadida jaamacadaha BixiyaCuluumta Bada ,Xanaanada Xoolaha ,Cilmiga Barashadda Deegaanka ,Cilmiga Beeraha ,Dhaqaalaha iyo Ganacsiga.
Ugu dambeyn fariin ayaan idiin wadaa Dhalin yarta reer Berbera ,idinka ayey idinku xidhan tahay sidii aad U horumarin lahaydeen isla markaana ugu doodi lahaydeen Jaamacadda Culuumta Badda.
Idinka ayaa ah kuwa ugu nasiibka badan ee ay la soo jaartey jaamacad cilmi noocaas ah bixinaynsa .
Haa nasiib ayaad leedihiin Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu idinku garab galo Cilmigaas { Ardayda Jaamacadda } .
Jaamacadaasi waxaan rajeynayaa in ay noqoto meelaha Berbera ugu xasuusta mudan In sha Allah ,Meelaha doodaha Cilmiga bada ay ka dhacaan ,meel umadda laga hago iyo goob soo saarta Jiilkii barito .
Wabilaahi Tawfiiq
W/Q. Maxamed Yaasiin Cabdiraxmaan
No comments:
Post a Comment