Xaalada
Dugsiyadda Hoose/Dhexe ee Dawladda –Hargeysa.
Xaalad kasta iyo dhinac kasta hadii aad u kuur gasho wadankeena waxaad la kulmaysaa waxyaabo aan naftaada qancinayn ,runtii sawirkan waxaan qaadey mar aan ku guda jiray U kuur gal Xaga Nadaafadda iyo Fayo dhowrka Dugsiyadda Hoose dhexe ee Caasimadda Hargaysa Wakhtigii aan Ardayga ahaa.
![]() |
Ardey ka mida Dugsiyadda Hoose/dhexe ee Magaaladda Hargeysa oo Biyo ka cabaya Barkad aan hareeraheedu Nadiif ahayn |
Bal waxaad ka waran taa hadii xaalka wakhtigaasi uu iskaba adkaado , hadii aad waydo wixii aad xaqa u lahayd adigoo la hubo in laguu heli karo balse lagaa hagraday .
Maanta
Hargaysa dhalinta yar yar ee dugsiyadda Hoose/Dhexe kuma aha Qaxoonti ,balse
way ka ka liitaan qaarkood.
Waxa laga joogaa mudo Sanad iyo badh ah wakhti aniga iyo Koox aan ka mid ahay aanu u kuur galnayn xaalada Dugsiyadda Hoose dhexe ee Magaaladda Hargaysa ,Dhinacyadda Nadaafadda iyo Fayo dhowrka hadana xaaladu wali waa sidii maalintii iyo si kasii daran .
Wakhtigaas
waxyaabihii aan la kulmay waxa kamid ahaa ,Dugsiyo aan lahayn biyo , qaar
Suuliyadoodu dumeen oo ardaydu Suuliga ay ka cabsanayso dabadeedna ardaydii ay
Dugsiga dhexdiisa ku saxarootey ,waxa sidoo kale ka mid ahaa qaar leh hal suuli
oo kaliya kaasina waxa isticmaala oo qudha Maamulaha Dugsiga iyo Macalimiinta
,Qaar kale Suuliyadooda Qufulo waaweyn ayaa ka laalaadey Sababtoo ah biyo
la,aan Dugsiga ka jirta .
Markaad
ka timaado dhinaca Fayo dhowrka Guud ,Waxaad Dugsiga hareerihiisa iyo gudihiisa
ku arkeysaa dayac faro badan oo ka muuqda ,waxa kale oo indhahaagu qabanayaan
Macalimiinta oo gidaarada ku wada tiirsan isla markaana gacanta ku haysta Midh
sigaar ah oo il kaliya kaa soo eegaya ,Dugsiyadda qaar waxay indhahaygu
qabanayeen Maamulayaasha oo sigaar qiijinaya isla markaana arday yar yar oo
wali maskaxdoodu cusubtahayna ay dhinac taagan yihiin .
Sawirkaasi
waad garanaysaa wuxuu muujinayo runtii ,arday yar oo loo soo diray in uu aqoon
soo korodhsado oo la kulmay Deegaan aan Caafimaad qabin ,xaga nadaafada iyo
maan-kaba
Waxaas
oo dhan ka kaaley Gaydhka laga galo Dugsi kasta waxa ku yaala Boodh Cinwaanka
Dugsiga Waxa Dabayaal oo xaga hoose ku qoran Dugsigan waxa ka qayb qaatey
Haayadaha kala ah ,Unicef ,SIDA ,USIAD ,JAPAN ,Wasaaradda waxbarashada ,iyo
Hay,addo kale oo aad u tiro badan .
Intaas
maan diidine waxaan diiday oo aan ka dhiidhiyayaa Dayaca ka muuqda Dugsiyadda
Dawladda ee Dalka ,Waxaan ka murugaysanahay Caruurta yar yar ee aan sida hagar
la,aanta ah wax loo bareyn , hadhowna waxa lagu eedayn doonaa waa wax aan naf
lahayn iyo way tahriibeen ,waxa lagu eedayn doonaa wax barashada kumuu
fiicanayn ,waxaas oo dhan isagu dambi kuma laha e wuxuu waayey Deegaan ku
Haboon Waxbarasho ,Wuxuu waayey Macalin aan balwad lahayn .
Had
iyo goor waxa hortaagan macalin aan cidi ka dambayn oo qiiq iyo qufac balwadi
keentay la hortaagan .Subaxa uu indhaha kala qaadaba wuxuu arkaa Macalinkiisa
oo Sigaar Qiijinaya ,Macalinka oo qaadiro Hamaansi kala joojin la,a.
Wuxuu la kulmaa Deegaanka Dugsigiisa oo aan lahayn wax dhir ah oo indhaha soo jiidanaysa ,iskadaa in uu isagu cagaar arkee ,Maalin kaliya macalinkiisu kuma dhiiri galin in uu geed beero oo wax-qabadyo iyo layli uga dhigo in dugsiga nadaafadiisa maanta laga shaqeeyo.
Wuxuu la kulmaa Deegaanka Dugsigiisa oo aan lahayn wax dhir ah oo indhaha soo jiidanaysa ,iskadaa in uu isagu cagaar arkee ,Maalin kaliya macalinkiisu kuma dhiiri galin in uu geed beero oo wax-qabadyo iyo layli uga dhigo in dugsiga nadaafadiisa maanta laga shaqeeyo.
W/Q. Mohamed Yassin Abdirahman
Email. Yaasiin9111@gmail.com
No comments:
Post a Comment