Dhir ama geed aad beerto waxay waxtar weyn u tahay nolosha noole kasta oo kownkan ku nool ,waxay sidoo kale muhiim u tahay noloshaada ,waxay horumar u tahay dhaqaalaha iyo kobaca bulsho ,waxay sidoo kale badbaado u tahay oo ay ka ilaalisaa in ciidu burburto dabadeedna deegaanku baaba,o.
Muhiimada dhirta halkan kuma soo koobi karo .
iyadoo hadaba sidaasi jirto waxa jira faham daro ku jirta bulshadeena dhinaca deegaanka .
Sidaas daraadeed waxa fiican in bulshada lagu wacyi galiyo muhiimada iyo waxtarka ay leedahay dhirtu. hadaba si yoolkaa loo gaadho waxa Xooga la saaray da,yarta Jaamacaddaha oo ay ugu Horeyso Jaamacadda Hargaysa {University of Hargeisa }.
Waxa sidoo kale muhiim ah si loo daba galo in dhirtii badbaadey iyo in kale Mustaqbalka waxa aanu sameynay nidaam aanu kula socon karno arday kasta oo geed qaatey ,si aanu ula socono xaalada geedka ,sidoo kalena ugu caawino ardayga habka iyo nidaamka uu u beerayo una waraabinayo iyo nooca caro ee uu u baahan yahay ama ku haboon geedka uu qaatey .
Saaka hiirtii hore Kooxda aan ka mid ahay ee Gurmad-Deegaan FORUMwaxaanu bilownay dhir qaybin ,anaga oo fulinayna mashruuc ay wasaaradda Deegaanka iyo Sanduuqa Somaliland ee SDF , iska kaashadeen
Waxaan u mahad naqayaa ardayda Kuliyadda Deegaanka ee Sanadka Sadexaad oo Hawshaas si laxaad leh noogala qayb qaatey.Waxa kale oo aan u Mahad naqayaa Guud ahaan ardayda Kuliyadda College of Applied Science-UOH oo si mug leh uga qeyb qaatey Barnaamijka .
Ugu Dambayn waxaa mahad leh cid kasta oo gacan ka gaysatey hawshaas .
Ugu Dambayn waxaa mahad leh cid kasta oo gacan ka gaysatey hawshaas .
F/G: Wixii talo iyo tusaale ah fadlan noogu soo dir Cinwaanka .
Sepc.environment@gmail.com.
Mohamed Yassin Abdirahman
No comments:
Post a Comment